golis

DF: Muddada Xil-haynta dastuuriga ah ee Madaxda Galmudug wuxuu ku Egyahay 4ta Luuliyo

Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka ayaa loogu baaqay madaxda Galmudug in doorashada barlamaanka iyo tan madaxweynaha xiliga loo asteeyay.

Wasaaradu waxay kaloo ku baaqday shir dib u heshiisiineed oo ay isugu yimaadaan dhammaan waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka Galmudug oo lagu xalliyo arrimaha Galmudug, lana magacaabo guddiga farsamo oo daadiyiya qaban qaabada shirkaas.

Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa waxaa curyaamiyay khilaaf u dhexeeya maamulkiisa, iyadoo guddoomiyihii barlamaanka iyo madaxwne ku-xigeenkiisi ay ka soo horjeedaan iyagoo xarun ka dhigtay Cadaado, halka madaxweyne xaaf uu xarun ka dhigtay Dhuuse-mareeb isagoo xiriir la leh ururka Ahlu Sunna oo ka taliyay gobolka Galguduud.

Hadaba Halka Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

HORSEEDMEDIA