golis

Qaramada Midoobay oo ku baaqday baaritaanka geeridii Maxamed Morsi

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Morsi oo geeriyooday Isniintii isagoo ku sugan Maxkamada ayaa Salaasadii shalay si deg deg ah loogu aasay magaalada Qaahira.

Maxamed Morsi ayaa la sheegay in Salaadii Janaasada ku tukadeen qaar kamid ah qoyskiisa gudaha Xabsiga lagu hayey, kadibna meydkiisa ayaa lagu aasay Qabuuraha ku yaal bariga magaalada Qaahira, xili ay halkaasi illaalo ka ahaayeen ciidamada amniga oo diiday inay dadweynaha ka qeyb galaan aaska loo sameenayey Marxuumka.

Wiilka uu dhalay ee Axmed Morsi ayaa xaqiijiyey qaabka uu u dhacay aaska isagoona sheegay in aabihiis lagu aasay qabuuraha ay ku duugan yihiin inta badan hogaamiyayaashii ururka Ikhwaan Muslimiinka.

Geerida Morsi ayey si adag uga hadleen qaar kamid ah Beesha Caalamka, ururka Ikhawaan muslimiinka ayaa isaguna ku baaqay in shacabka ku mudaharaadaan Safaaradaha Masar caalamka ku kala yaal.

Dalka Turkiga ayaa loogu qabtay salaadii Janaasada ee Maxamed Morsi oo ay ka qeyb galeen madax sare oo uu kamid yahay Madaxweyne Erdogan.

Isla shalay ayaa qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xaquuqul Insaanka lagu sheegay in loo baahan yahay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo qaabka uu u geeriyooday Morsi iyo sidii loola dhaqmay intuu xabsiga ku jiray, walow dowlada Masar aysan weli ka hadal baaqa ka yimid UN-ka.

Horseed Media