golis

Madaxweyne Xaaf Oo Ka Hadlay Cida Ka Dambaysay Dadkii Lagu Laayay Galkacayo [DAAWO]

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo maanta dib ugu soo laabatay magaaladda Dhuusa mareeb ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay wuxuu kaga hadlay Warqadi ka soo baxday dowladda Federaalka ee lagu mudaynayay doorashada Galmudug iyo dadkii lagu laayay magaaladda Galkacayo.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku xadgudbayso nidaamka u degsan Galmudug

Galmudug mahan State cusub, sharci bay leedahay, Dastuur bay leedahay, nidaam bay leedahay madax bey leedahay, Caasimadeedii bay joogtaa, in lagu xad-gudbo oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanaa aad ayaa uga xumahay”.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xaaf waxaa uu sheegay in falkii toddobaadkan lagu laayay dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda goboladda koonfur Galbeed ay dilkooda ka dambeeyeen ciidamada Milateriga

” dhacdadii Galkacayo ka dhacday, Hal askari oo booliis ah ayaa ku jiray, waana la xiray. inta kale  militari ayey ahaayeen, marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan”.

Madaxweyne Xaaf Oo Ka Hadlay Cida Ka Dambaysay Dadkii Lagu Laayay Galkacayo

Posted by Horseed Media on Thursday, June 20, 2019

HORSEEDMEDIA