golis

Magaalada Boosaaso Oo Laga Xusay Maalinta Qaxootiga Adduunka-DAAWO

Ciyaar kubadd cagta ah oo lagu maamuusayay maalinta qaxootiga caalamka 20-ka june ayaa maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso waxaana soo qaban qaabisay hay’adda Kaalo iyadoona ay maalgelinaysay hay’adda qaxootiga QM ee UNHCR.

Ciyaartan ayaa loo qabtay labo kooxood oo kala watay halku dhigyo lagu weyneynayo maalintan iyadoona markii ay soo idlaatay kooxihii tartamay la gudoonsiiyay koobab iyo abaalmarino.

Markii ay soo idlaatay ciyaarta ayaa muhiimadda ay xambaarsanayd waxaa warbaahinta u faahfaahiyay masuuliyiintii ka kala socotay Hay’dda Kaalo iyo madaxda wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha’

Cabdacasiis Siciid Maxamed oo ka socday Hay’ada Kaalo ayaa waxa uu sheegay in Kaalo ay sanad kasta qabato tartankaan ujeedada ugu wayna ay tahay sidii loo xoojin lahaa is dhex galka dhalinyarada qaxootiga ah iyo ku deegaanka ah, wuxuu tilmaamey in ciyaaruhu ay ka madadaliyaan dhalinyarada ku mshquulka waxyaabaha aan wanaagsanayn.

Si kastaba Sanad kasta maanta oo kale 20-ka June ayaa dunida laga xusaa maalinta qaxootiga caalamka iyadoona maalmo ka hor warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaxootiga QM ee UNHCR ay ku sheegtay in ay kordheen tirada qaxootiga caalamka.

BOSASO XUSKA MAALINTA QAXOOTIGA

Magaalada Boosaaso ayaa lagu qabtay Xuska Maalinta Qaxootiga Aduunka.waxaana soo qaban qaabisay Hay'adda Kaalo

Posted by Horseed Media on Thursday, June 20, 2019

Horseed Media 2019