golis

Qardho oo lagu qabtay Xuska Maalinta Qaxootiga Aduunka.

20ka bisha Juun oo ku aadan maalinka Qaxootiga Aduunka iyada oo loo dabaal degayo ayay hay’ada KAALO waxay Magaalada Qardho u qabatay tartan kubada cagta ah kaas oo ay ka qaybagaleen Kooxaha qaxootiga ah iyo kuwa ka dhisan xaafadaha Magaalada. Ujeedada tartankaan ayaa looga gol-lahaa is dhexgalka dhalinyarada iyo xuska maalinka Qaxootiga Aduunka.


Ciyaarta ayaa ku bilaabatay jawi dagan, iyada oo labada kooxoodba ay ka muuqatay diyaar garaw xoog leh, ugu danbayna waxaa guushu ay 1:0 ku raacday koox ka socotay Xaafada Xingood. Waxaana gabagabadii la qabatay Munaasabad Kooban oo lagu abaalmarinayay kooxdii guuleystay taas oo ay kasoo qaybgaleen Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Karkaar, Saraakiil ka socotay Hay’ada KAALO, Shacab iyo Marti kale.


Cabdajaliil Saciid Xaashi oo ah Sarkaal ka socday Hay’ada Kaalo oo gabagabdii ka hadlay Munaasabada wuxuu sheegay in tartankaan ay sanadkasta qabtaan ujeedada ugu wayna ay tahay sidii loo xoojin lahaa is dhex galka dhalinyarada qaxootiga ah iyo ku deegaanka ah, wuxuu tilmaamey in ciyaaruhu ay ka madadaliyaan dhalinyarada ku mshquulka waxyaabaha aan wanaagsanayn.


Xiir Yuusuf Caamir Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Karkaar dhankiisa waxa uu u mahadceliyay hay’ada Kaalo sida ay markasta u garab taagan tahay bahda ciyaaraha, ciyaartaan waxa uu sheegay in muhiimada ugu wayn ay ahayd is barashada dhalinyarada midaasna ay ka muuqato kulanka galabta soo gabagaboobay.