golis

Toddobo Qodob oo Toddobaadkan Lagaga Hadlay Shirka Gollaha Wasiiradda Puntland.

Shirka gollaha wasiiradda xukuumadda Puntland oo maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa lagaga hadlay guud ahaan xaalada amniga ee Puntland, ansixinta xeerka howlgabka shaqaalaha dowladda, xaaladda degmada Caluula, Wadooyinka Go’an iyo Dal ku galka Fiisaha Puntland.

Wasaaradda amniga Puntland ayaa gollaha u sharaxday  muhiimada ay u leedahay  amniga guud ee dalka  in la hubiyo, lanana socdo ajaaniibta Puntland soo galaya , loona baahan yahay in a dardargaliyo dal-ku-galka Fiisaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa guddi heer  wasiiro ah u saaray inay soo qiimeeynaa khasaaraha ka dhashay  biyihii badda ee ku soo fatahmay degmada Caluula ee gobolka Gardafuu. guddiga ayaa soo qiimaynayaa xaaladda soo foodsaartay degmada iyo sidii dhakhso wax looga qaban lahaa.

Dhinaca kale, gollaha wasiiradu waxay ansixiyeen xeerka howlgabka shaqaalaha dowladda oo ah xeer lgu dhaqayo shaqaalaha dowladda marka ay howlgab noqdaan. xeerkana ayaa xuquuq siinaya shaqaalaha dowladda ee howlgabka ah.

AKHRISO QODOBADA WARSAXAFADEEDKA

HORSEEDMEDIA