golis

Wasaarado iyo Hay’ado Laga Joojiyay Adeegyadii La Siin Jiray [DAAWO]

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo shalay kulan laqaatay Agaasima- yaasha Wasaaradaha Dawladda Puntland kulan kaasi ayaa sheegay inay joojiyeen adeegyadii la siin jiray qaar ka mid ah wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda Puntland, ka dib markii ay ku guuldaraysteen inay bixiyaan cashuurihii ku waajibay.

Kullanka oo lagu soo bandhigay liiska Wasaaraddaha iyo hay’adaha Cashuuraha ka bixiyay lacagaha Mashaariicda dalka ka socda iyo kuwa aan bixin, ayuu wasiirku sheegay in ujeedka kullanku uu ahaa sidoo kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta wasaaradaha iyo kicinta iyo kor uqaadida Cashuurta ku waajibtay lacagaha dhanka Mashaariicda ee 5tii bilood ee la soo dhaafay

“shirka waxaan ku soo bandhignay liiska Wasaaraddaha aan bixin iyo kuwa bixiyay waxaanu halkaas ka sheegnay in aanu dacwayn doono Wasaaraddo aan bixin Mashaariicda dhexmaray Cashuurtoodii kuwa bixiyay waanu amaanaynaa ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland” ayuu yiri wasiirku

Wasiir Xasan Shire wuxuu sheegay in ay dacwayn doonaan Wasaaradda aan bixin Cashuurta.

“Haa way jiraan hay’addo bixin waayay Cashuurta Mashaariicda dhex marta dacwadna waan ka gudbinay adeegiina waan ka joojinay “

Horseedmedia ayaa ogaatay in Wasaaradaha laga joojiyay adeegii lacageed ee ay xukuumadu siin jirtay ay ka mid tahay Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska, waxaa kaloo adeegii laga joojiyay Hay’adaha PSWEN iyo Xafiiska Xuquuql Insaanka Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ku Goodiyay inuu Dacwayn doono Wasaaridihii bixin Waayo Cashuuraha lacagaha Mashaariicda ka soo Gala

Posted by Horseed Media on Wednesday, June 19, 2019

HORSEEDMEDIA