golis

Xubno Shabaab iyo Daacish Isugu Jira oo Lagu Qabtay Boosaaso.

Ciidamada xooga Puntland ee PSF ay sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan ururada Shabaab iyo daacish, howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Bosaso ee xarunta gacansiga Puntland ee gobolka Bari.

Qoraal ay soo dhigeen bartooda facebooga ayay ku sheegeen in howlgalka ay ku soo qabqabteen Lix xubnood oo ka kala tirsanaa Alshabaab iyo Daacish, Agab iyo sahay loo waday kooxahaasi

“Ciidanka #PSF hawlgal ay xalay (19 June 2019) ka fuliyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen 6 xubnood oo ka kala tirsan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo #Daacish iyo #agab iyo sahay loo waday kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish” ayay ku yiraahdeen qoraalka Facebooga

Ciidamadu ma sheegin in howlgalkaasi ay cid wax ku noqotay.

Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo shalay gelinkii dambe ay ciidamada amniga Puntland ay fashiliyeen qarax miinow oo la dhigay wadada muhiimka ah ee dhexmarta bartamaha magaaladda Bosaso.

HORSEEDMEDIA