golis

Xildhibaanno Labada Aqal Ka Socda oo gaaray Gaalkacyo

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kuur galaya dilal wadaradeedyadii ka dhacay Gobolada Mudug iyo Galguduud ayaa maanta gaaray Magaaladda Galkacayo.

Xildhibaanabada oo uu hoggaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa Galkacayo si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee ka howlgala Galmudug.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda uu la xiriiro sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dil wadareedkii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen sagaal ruux, isagoo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay falkaasi xanuunka badan.

“Marka labaad  waxaan horudhac u nahay wafdi ballaaran oo imaan doono mardhow, ujeeddada aan u nimid waxa ay tahay dhacdadii 14-kii bishan oo dad badan ay ku dhinteen magaalada Gaalakcyo. Dhacdadaas oo runtii aad iyo aad dadka Soomaaliyeed, bulshada Caalamka iyo dadka reer Galmudug ay xanuun badan ku keentay,  inaan marka hore isaga tacsiyayno iyo inaan wax ka ogaano sidii ay wax u dhaceen” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid oo hadalkiisa ku daray “Marka uu wafdiga soo dhameystirmo ayaan shir jaraa’id  ku faahfaahin doonaa talaabada la qaadi doono”.

Dablay hubaysan ayaa Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Dhuusamareeb waxay ku dileen 13 Qof oo degaan ahaan ka soo jeeda goboladda koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA

HORSEEDMEDIA