golis

Maxkamada Rafcaanka Nugaal oo dib U Dhigtay Go’aan Ka Gaarista Kiiska Caasho Ilyaas

Maxkamada rafcaanka gobolka Nugaal ee Puntlad oo maanta la filayay inay go’aan ka gaarto Kiiska gabar yar oo 12 jir ah oo lagu kufsaday, kadibna lagu dilay Magaaladda Galkacayo, ayaa maalinta beri ah dib loo dhigay.

Saddex nin oo kueedaysnaa kiiska Caasho oo rafcaan ka qaatay xukun Maxkamada Gobolka Nugaal ay bil ka hor ku riday ayaa maanta qareenada u doodaya la dhagaystay soo jeedintooda.

Maxkamada rafcaanka ayaa dhagaysiga dacwada waxay dib ugu dhigtay maalintii beri si loo sii wado soo jeedinta qareenada u doodaya qoyska Caa’isho iyo qareenada u doodaya eedaysanayaasha. Waxaa la filayaa in maxkamadu ay go’aan ka qaadato kiiska oo ah in buriso xukunkii dilka ahaa ee lagu xukumay saddex dhalinyaro ama inay mar kale dil ku ku xukunto.

HORSEEDMEDIA