golis

Madaxweyne Xaaf oo ka Guuray Dhuusamareeb

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Xaaf oo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa saaka ka guuray magaaladda Dhuusamareeb oo xarun u ahayd maamulkiisa

Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaa madaxweyne Xaaf oo ay galbiyaan ciidamo iyo tikniko ayaa haatan gaaray magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud, wuxuuna ku sii jeeda magaaladda Cadaado.

Khilaaf soo kala dhexgalay madaxweyne Xaaf iyo maamulka Ahlu Sunna Wal jamaac ayaa sababay inuu madaxweynuhu ka guuro magaaladda Dhuusamareeb oo ay xoog ku leeyihiin wadaadada Suufiyada.

Sidoo kale, Maalintii Jicmaha ee toddobaadkii hore, waxaa magaaladda Dhuusamareeb gaaray wafti uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka oo halkaasi u tegay inuu wadaadada Ahlu sunna kala hadlo doorashada Galmudug.

Madaxweynaha galmudug Axmed Geelle xaaf ayaa la filayaa inuu maamulkiisa uu xarun uga dhigo magaalooyinka Cadaado ama Galkacayo , iyadoo madaxweyne ku-xigeenkiisi iyo guddoomiyihii barlamaanka Galmudug ayaa fadhiyaan magaaladda Cadaado

HORSEEDMEDIA