golis

Ethiopia: Baroordiiqda Masuuliyiintii Lagu Dilay Afgembigii Dhicisoobay

Dalka Itoobiya ayaa looga baroordiiqayaa afar sarkaal oo sar sare oo shalay lagu dilay afgembii dhicisoobay ee ka dhacay maamulka Amxaarada ee dalkaasi.

Habeenkii Sabtidii, Taliyihii ciidamada Ethiopia Gen Seare Mekonnen iyo sarkaal kale ayaa waxaa toogtay mid kamid ah ilaaladiisa gurigiisa oo ku yaalay magaaladda Adis-ababa. Sidoo kale, Madaxweynihii maamulka Xabashida iyo la taliyihiisii ayaa lagu toogtay caasimada maamulkaas ee Bahirida.

Calanka wadanka itoobiya ayaa hoos loo dhigay iyadoo tacsi iyo baroordiiq ay ka socoto telefishanada iyo idaacadaha wadankaasi.

Madaxweynaha maamulka Xabashida oo xafiiskiisa kulan kula lahaa la taliyihiisa Ezez wasie oo kulan ayaa la dilay, waxaa kaloo dhaawac culus la soo gaarsiiyay xisaabiyihii guud ee maamulkaasi.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in weerarka iyo afgembiga ka dhacay degaanka xabashida waxaa hoggaaminayay madaxii amniga gobolkaasi Asaminew Tsige, kaasi oo markii dambe cararay.

Asminew Tsige ayaa sanadkii 2008 la xiray ka dib markii uu isku dayay inuu inqilaab Sameeyo. Sanadkii hore ayaa ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu cafis ku sii daayay.

HORSEEMEDIA