golis

Garsoorka Gobolka Bari Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland -COD

Bahda garsoorka Maxkamadaha ee gobolka Bari ayaa ka tacsiyeey geeridi ku timid allaha unaxaristee guddoomiyihi maxkamada sare ee Puntland Dr. Yuuusf Xaaji Nuur oo maalinimadii shalay ku geeriyooday dalka Turkiga.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Bari Bashiir Hoobaley ayaa garsoorka iyo bulsho weynta Puntland si gaar ah eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay marxuumka uga tacsiyeey in uu samir iyo iimaan ka siiyo geeridiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari Abuukar Cabdi nuur Jaamac oo dhankiisa ka tacsiyeynayay geerida marxuum Dr Yuusuf Xaaji Nuur gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in Dr. Yuusuf uu ahaa shakhsi muddo badan u soo shaqeynayay garsoorka dalka soomaliya iyo kan Puntland, isla markaana uu bulshada Soomaliyeed uga tacsiyeynayo geerridiisa.

DR. Yuuusf Xaaji Nuur ayaa labo jeer soo qabtay xilka gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland isagoona mar si kumeel gaar ah u noqday kusime madaxweyne.

Horseed Media 2019