golis

Xaaf: Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna Waa Buray

War-saxafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba uu buray heshiiskii Jabuuti ku dhexmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Warsaxafadeedka, waxaa kaloo uu madaxweynuhu ku sheegay in maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalku ay ku heshiiyeen sidii loo qaban lahaa doorashada Galmudug.

Qodobada War-saxafadeedka

  1. In uu buray heshiiskii Jabuuti ee Galmudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaca oo lagu saxiixay Muqdisho 06/12/2017
  2. In la qabto doorashadii dowlad goboleedka Galmudug.
  3. In dowlad goboleedka Galmudug iyo wasaaradda arrimaha gudaha kawada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashada iyo dub u heshiisiinta.
  4. In ay dhamaatay kala aragti duwaaan shihii dowladda Federaalka iyo Galmudu.
  5. In doorashadu ku dhacdo caasimadda kumeelgaarka ah ee Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug iyo ciidamo uu wato ayaa shalay ka soo guuray magaaladda Dhuusomareebo oo xarun u ahayd maamulkiisa.

HORSEEDMEDIA