golis

Askar ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Degaanka Af-urur

Ugu yaraan 4 askari iyo haweenay ayaa ku geeriyootay Qarax ka dhacay degaanka afurur ee gobolka Sanaag. Qaraxa waxaa kaloo ku dhaawacay 5 askari oo kale oo ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Sawir hore: weerarkii shabaab ku qabsadeen Afurur 8 june 2017

Qaraxa ayaa ka dhacay meherada shaaha iyo qaadka lagu iibiyo qaadka oo ku taala tuuladda Af-urur, halkaasi ay isugu yimaadeen ciidamada si ay ugu nastaan.

Labo ka mid ah Askarta qaraxa lagu dilay ayaa ka tirsana ciidamadda badda Puntland ee PMPF, halka labada askari ee kale ay ka tirsanaayeen ciidamada Daraawiishta.

Ma jirto koox ama cid sheegatay inay ka dambeeyeen weerarka qarax ee lagu laayay askarta iyo haweenayda. hase yeeshee waxaa qaraxyo noocan oo kale ah

Bishii September 2017 ayaa qarax noocan oo kale oo lala eegtay ciidamo iibsanayay maandooriya qaadka, waxaa ku dhintay 10 askari, 35 askari kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.

Faahfaahin Dheeri ah kala soco halkan

HORSEEDMEDIA