golis

DF: Ma jirto wada hadallo aan Soomaaliland kula yeelaneyno Nairobi

Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in aysan waxba ka jirin wararka sheegay in dowladda federaalka ay magaaladda Nairobi shir kula yeelanayso masuuliyiin matalaya maamulka Somaliland.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, Dr; Nuur Diiriye Fursade oo hore loo shaaciyay inuu DF u matalayo shirka Nairobi, ayaa Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in ay Soomaaliya ay diyaar u tahay in wada hadallo Miro dhal ah lala yeesho Soomaaliland, balse marka hore goobta, Ajendaha iyo ka qeyb galayaashuba lagu heshiiyo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nairobi ka dhacayo, balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo Mira dhal ah in lala furo Somaliland, marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo,”ayuu yiri agaasimuhu.

Maalmihii la soo dhaafay, Warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada waxaa lagu baahiyay in dowladda federaalka iyo Maamulka Somaliland ay wadahadalo ku yeelanayaan Magaaladda Nairoobi.

HORSEEDMEDIA