golis

Farmaajo: Federaalkaan Taageersannahay, federaalka Saxda ah annagaa ah

Madaxweynaha Dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay khudbad ka jeediyay munaasabad ay ku qalinjabinayeen dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda ayaa sheegay inuu doonay dowladda dhexe oo awood badan, islamarkaana taageersan yahay nidaamka federaalka ee Soomaaliya haatan ku dhaqanto

Wuxuu sheegay in dowladgoboleedyadu ay ku eedeeyaan xukuumada Muqdisho inay doonayso nidaamka dalka looga xukumo awooda dhexe oo ay dowlady rabto inay awoodii qaadato.

“Annagu waxaan niraahnaa federaalka ah saxda ah annagaa ah, maxaa yeelay waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh, Waxaan rabnaa dowlad-dhexe oo leh ciidan dalka difaaci kara, dowlad-dhexe oo arrimo dibedeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad-dhexe oo socdaalka iyo xuduudaha ilaalisa. Waxaan rabnaa dowlad ciidan adag leh oo dhaqaaleheeda iyadu maamusha, dowladda dhexe ee aan rabno waa noocaas” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu bogaadiyey dhalinyarada qalanjabisay, waxaana uu tilmaamay mudnaanta ay dowladdu siinayso in ay joogtayso, siina xoojiso taageerada Jaamacadda Ummadda iyo guud ahaan hay’adaha waxbarashada dalka.

“Waxaa ii muuqda rajo wanaagsan, waxaa ii muuqda waddan dhaqaalihiisu uu la tartami doono waddamada aan burburin, waddan ka faa’idaysan doona khayraadkiisa dabiiciga ah, hadday tahay beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo macdanta kale oo aan adduunka u suuq geyn doonno, waxaa ii muuqda in Soomaaliya la maalgashan doono si dhallinyarada idinka oo kale ah shaqo loogu abuuro.”

Siyaasiyin tiro badan oo ka soo horjeeda siyaasadda madaxweyne Farmaajo ayaa marar ku eedeeyay inuu doonayo inuu soo celiyo dowladda dhexe oo awood badan, islamarkaana ka shaqaynayo inuu curyaamiyo dowladda goboleedyada dalka ka jira.

HORSEEDMEDIA