golis

Wasiirka Beeraha Federaalka Oo Ka Qaybgalay Shirweyna FOA ee Roma

Wasiika beeraha iyo waraabka dowladda federaalka Siciid Xuseen oo booqasho kujooga dalka Talyaaniga halkaasoo uu kaga qaybgalayo kalfadhiga 41aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo Beeraha FAO.

Wasiir Siciid oo la kulmaya Agaasimihii hore ee FOA José Graziano da Silva

kulanka uu wasiirku kaga qaybgalay Roma ayaa waxaa ajendihiisa ugu waynaa uu ahaa doorashada Agaasiimaha Guud ee FAO, waxaana loo doortay Dr.Un DJOU oo u dhashay dalka shiinaha.

Dr.Un DJOU, Agaasimaha Cusub ee FOA

Wasiir, isagoo magaca dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed uu u hambalyeeyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda FAO

Wasiirku wuxuu horseedmedia u sheegay in Somalia ay si buuxda uga qaybgashay dhamaan howlaha shirka. Wasiirka waxuu kale oo uu kulamo kala duwan layeeshay Wasiiro kala duwan iyo Agaasiimaha Guud ee la doortay

Booqashada Wasiirka ee Roma waxaa ku weheliyay Wasirka Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Ambassador Craxmaan Sh.Ciise ahna Wakiilka Soomaliya ee Hayadaha FAO.

Wasiir Siciid iyo madaxa Hay’ada IFAD Mr.Gilbert F.Houngbo,

Dhinaca kale, Wasiir Siciid Xuseen Ciid, wuxuu Magaaladda Roma kula kulmay Madexweynaha Hay’ada Caalamiga ah ee maalgashiga Beeraha(IFAD) Mr.Gilbert F.Houngbo,

“waxaa ka wadahadalnay iskaashiga IFAD -Somalia,waxaa uga mahadceliyay mashaariicda ay Somalia si dadban uga qabteen, anagoo ka codsanay sidii Somalia u heli lahayd taageero Maaliyadeed IFAD ee toos IFAD ugu bixiso horumarinta Beeraha,waxaa ku heshiinay in IFAD dib u bilowdo howlaheedii Somalia dhawaana gudi farsamo ay ka howlgalaan,Waxaa i weheliyay Ambassador Abdirahman Sh.Ciise Safiirkeena Itaaliya , FAO,IFAD iyo WFP” Sidaas waxaa yiri Wasiir Siciid

HORSEEDMEDIA