golis

DF Oo sheegtay in la qaaday xayiraadii saarneyd xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeeyo dalka Sucuudiga

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Sh. Xuseen

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in la qaado xayiraadii saarneyd xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeeyo dalka Sucuudiga, qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaana u qornaa sidaan.

Qoraalka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa u qornaa Sidatan:

Xiriiro baddan oo aan la sameeynay wasaradda dhigeena ah ee dalka Sacuudiga kadib wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-Xigeenka Xukuumada oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa uu safar ku tagay Dalka Sacuudiga iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay in xoolaha Soomaaliyeed laga qaado xayiraadaha soo noq noqtay waxaana la isku afgartay in si wada jir ah aan uga wada shaqeeyno si aaney xayiraadahaasi ay dib u soo laabanin.

Iyadoo Wasaraddu daba joogto arrintaas waxeey safar ku tagtay Dalka France, Paris, bishii May ee sanadkan si ay uga qayb gasho Shirweeynaha 87-aad ee Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee OIE taasoo haysa, bixisana shuruudaha dhoofaka xoolaha nool iyo wax aka soo baxa xoolaha gaar ahaan shuruudaha caafimaadka xoolaha (Animal and Animal Products), waxaana halkaas kula kulanay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee Aduunka (OIE) Mrs. Monica Eliot oo aan isku afgaranay in Hay’adda OIE iyo Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daqa ka wada shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa halbeegyda caalamiga ah ( International Standards) oo lagama maarmaan u ah dhoofka xoolaha iyo wax aka soo baxa; iyo hagajinta iyo kor u qaadida heerka maxjarada xoolaha laga dhoofinayo, Shaybarada iyo Guud ahaan Caafimaadka Xoolaha si looga hortago cudurada loogana daaweeyo.

Hadaba, waxaana halkaan ugu soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed, xoolo dhaqatada , ganacsatada iyo ciddi ku howlana arrimaha dhoofka xoolaha Soomaliya, in ay Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ku guulaysatay in xayiradii dhoofka xoolaha soomaaliya ee dalka Sacuudi Arabiya laga qaaday Moosinka Xajkan sanadkan 2019-ka iyado Wasaarddeena iyo Wassaradda Beeraha ee dalka Sacuudiga a noo socoto sidii guud ahaan looga qaadi lahaay xayrada dhoofka xoolaha Soomaaliya iyado howshasi ay meel gebo bebo ah ay mareeyso dhowaana aan idinla wadaagi doono wixii ka soo baxa.

Anigoo ku hadlaya  magaca Wasaaradda  X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo magaca Dawladda Federaalka Soomaliya, waxaan halkaan mahad ballaaran uga jeedinayaa Dawladda Boqortooyada Sacuudiga ee aan Walaalaha nahay oo uu Hogaamiyo u addeegaha labada Xaram ee xurmada mudan Boqor Salmaan Bin Abdulaziz, gaar ahaan waxaan u mahad celinayaa Wasaardda Bay’idda, Biyaha iyo Beeraha ee Dawladda Sacuudiga oo runtii ay wada shaqeeyn fiican naga dhaxeeyso waxaana soo dhoweeyneeynaa qaraarkii ay kaga qaadeen xayirada dhoofka xoolaha ee sandkan Moosinka Hajka 2019-ka kaasoo si rasmi ah noogu soo gudbiyeen.

Anigoo la qaybsanaya farxaddan shacabka Soomaaliyeed iyo inta daneeysa xoolaha Soomaaliyeed waxaan idinka codsaneeyna in aad nagala shaqeeysaan horumarinta caafimaadka iyo fulinta halbeegyada caalamiga ah (International Standards) ee la xiriira dhoofka Xoolaha Soomaaliya iyadoo danta gaar aan ka hormarineeyno danta guud ee Umadda Soomaaliyeed oo ay noloshoodu ku tiirsantahay xoolaha.

HORSEEDMEDIA