golis

Raysal Wasaare Khayre Iyo Madxaweyne Xaaf oo kulmay.

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Raysal Wasaaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhafaay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa maanta gaaray deegaanka Godinlabe, Waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Geele Ducaale iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dawlada.


Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug ayaa mudooyinkaa waxaa ka jiray jahwareera siyaasadeed, iyadoo ay u kala qaybsameen Maamulkii Dawlada laba garab oo kala jooga Cadaado iyo Dhuusa-mareeb. Raysal Wasaare Khayre ayaa marka uu tago Cadaado waxaa lagu wadaa in lagu kulmo Bulshada Deegaanka iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaankaas oo qaarkood ay cadaado ay ku sugan yihiin.


Madaxweyne Xaaf ayaa dhawr jeer oo hore eedaymo kulul u jeediyay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, muranka siyaasadeedka ugu xoogan ayaana ku qotomo waqtiga doorashada Galmudug ay dhacayso.