golis

250 Qof Oo Loo Xirxiray afgembigii Itoobiya

250 qof oo loo shakisan yahay inay qayb ka ahaayeen afgembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaasi ayaa xabsiga la dhigay sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya

Dadka la xirxiray waxaa ka mid ah 200 saraakiil ciidamada amniga ee gobolka Amxaarada iyo in ka badan 40 Sarkaal oo laga qabqabtay magaaladda Adis-ababa ee caasimadda

Telefishanka dowladda waxaa uu sheegay in ciidamada amniga heleen 27 Qori oo AK-47 ah iyo labo qori oo ah kuwa daran-dooriga u dhaca. Waxaa kaloo telefishanku uu baahiyay hawiyada ninkii dilay Taliyihii ciidamada Itoobiya Gen Seare Mekonnen iyo sarkaal kale oo la joogay.

5 Sarkaal oo uu ku jiro taliyaha ciidamada Itoobiya iyo Madaxweynihii ismaamulka Amxaarada ayaa ku dhintay Afgembigaas oo ay sameeyeen Saraakiil ka soo jeeda qowmiyada xabashida oo aha tan labaad ee ugu badan dalkaasi Itoobiya.

HORSEEDMEDIA