golis

Garoowe: Aas Qaran oo Loo Sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland [SAWIRRO]

Naxariistii janno alle ha siiyee, waxaan maanta jimce ah caasimadda Garoowe lagu aasay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur.

Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DFS, Xeer Ilaaliyaha DFS, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, Maxweynihii hore ee Puntland, Ahna Sanator ka Tirsan Aqalka Sare ee BDFS, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo ka mid ahaa hormuudka Golaha Garsoorka Soomaaliyeed, kuna suntan aas-aaskii Golaha Garsoorka dowladda Puntland ee Soomaaliya.

“Waxaan maanta halkan ku aasnay Marxuum Dr. Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa mid ka mid ah tiirarka Dowladnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, ahaana Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa bahda Garsoorka, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuumku” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Marxuum Yuusuf Xaaji oo muddo dheer ahaa qareen iyo xaakim wuxuu noqday guddoomiyihi ugu horreeyay ee maxkamada sare ee Puntland 1998dii, xilkaas oo mar labaad qabtay 4 sanno ka hor xiligii xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Marxuumka ayaa toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Turkiga.

HORSEEDMEDIA