golis

Jeneral Yaasiin Cumar Dheere oo Loo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Daraawiishta

Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere loogu magacaabay taliyaha ciidamada daraawiishta Puntland.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu magacaabay taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Wareegtada ayaa u qornayd sidatan:

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 33 ee Juun, 29, 2019, ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo Khibraddooda ciidan.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Axmed Cali Salaad loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

DHAMMAAD

HORSEEDMEDIA