golis

Trump oo ku Martiqaaday Kim Jong-un Xadka Labada Kuuriya

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku martiqaaday madaxweynaha Kuuriyada waqooyi inuu kula kulmo xadka kala qaybiya koonfurta iyo waqooyiga Kuuriya.

Madaxweyne Trump ayaa u socdaalay koonfurta Kuuriya, kadib markii uu dalka Japan kaga qaybgalay shirka madaxda G20, waxaa uu safarka ku weheliya madaxweynaha koonfurta Kuuriya.

Japan ayaan ka tegayaa oo koonfurta kuuriya ayaa u socdaa, inta aan halkaasi joogo, haddii uu arkayo qoraalkan hoggaamiyaha kuuriyada waqooyin, waxaan jeclaaan lahaa inaan ku kulano xuduuda labada dal, aan gacan qaado, kuna iraahdo Hellow” Sidaas waxaa yiri Trump

Hoggaamiyaha Kuuriyada waqooyi ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta trump, kuna tilmaamay mid xiiso leh

HORSEEDMEDIA