golis

Maxkamada Nugaal Oo Diiday Rafcaankii ay Qaateen Saddexdii Nin ee Ku Eedaysnaa Dilkii iyo Kufsigii Caa’isha Ilyaas- DAAWO

Maxkamada rafcaanka gobolka Nugaal ee Puntland ayaa xukun dil ah ku xukuntay saddex nin oo loo haystay kiiskii kufsiga iyo dilka ee lagula kacaya alle ha u naxariistee Caa’isho Ilyaas Aadan oo ahady gabar 12 Jir ah.

Maxkamada rafcaanku waxay ku raacday go’aankii dilka ahaa ee ay gaartay maxkamada derejeda kowaad ee gobolka Nugaal Bishii hore ee May.

“Maxkamadu waxay diiday rafcaankii ay soo qaateen rafcaanlayaasha kala ah c/fitaax c/raxmaan Warsame, C/shakuur Maxamed Diiriye iyo C/salaan C/raxmaan Warsame, Maxkamadu waxay ayiday xukunkii maxkamada derejeda kowaad ee soo baxay 16kii bishii 5aad” sidaas waxaa yiri Garsoore Abukar oo go’aanka maxkamada akhriyay

Muddo bil ah ayaa u furan eedaysanayaasha inay rafcaan kale ka qaataan go’aanka Maxkamada rafcaanka ee gobolka nugaal, iyagoo rafcaan u qaadanaya maxkamada sare ee Puntland oo ah tan ugu dambaysay Maxkamadaha dalka.

Caa’isha Ilyaas oo 12sanno jir ahayd ayaa lagu kufsaday Magaaladda Galkacayo, waxaan kiiskeed loo soo xirxiray 10 dhalinyaro ah, hase yeeshee Maxkamada gobolka Nugaal ayaa 3 nin ku xukuntay inay ka dambeeyay kufsiga iyo dilka Caa’isha, waxayna ku xukuntay dil.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/928055927528408/

HORSEEDMEDIA