golis

Mudaharaadayaal lagu Dilay Suudaan

Ilaa 7 qof ayaa ciidamada milateriga Suudaan dileen ka dib markii Kumaankun qof oo mudaharaadayaal ah ayaa isku soo baxay wadooyinka dalka Suudaan, kuwasoo ka soo horjeeda xukunka Milateriga

Warbaahinta dowladda Suudaan oo soo xiganaysa wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in 7 qof dhinteen, 181 qof oo kalena dhaawacyo soo gaareen, hase yeeshee guddida dhexe ee dhakhaatiir Suudaan ayaa tirada dhimashada ku sheegay 5 qof

Mucaraadka Suudaan ayaa ku baaqay in Hal Milyan qof ay isugu baxaan wadooyinka magaalooyinka Sudaan, iyagoo ka mudaharaadaya xukunka Milateriga ee la wareegay awooda wadankaasi.

Mudaharaadyo iyo degaanaansho la’aan ayaa ka taagan wadanka Suudaan tan iyo markii milaterigu ay xukunka ka tuureen madaxweynihii hore Cumar Xasan Albashiir bishii April ee sanadkan

HORSEEDMEDIA