golis

Ciidamada Macawisley oo 11 Caruur Oo la Afduubay Soo Badbaadiyay

Maleeshiyaadka la magac baxday macawiisleyda ee ka howl gala deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay sameeyeen ay kooxda Al Shabaab uga soo furteen 11 caruur ah oo silsilado iskula xiran kuwaasoo ay si qasab ah uga soo kaxeysteen waalidiintood.

Maxamuud Cali Afrax oo ka mid ah mas’uuliyiinta kooxda Macawisleey ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkan ay fuliyeen deegaan hoos yimaada tuulada Xaaji Cali ee degmada Cadale kaddib markii ay ka warheleen xaaladda caruurtaasi.

“Waxaan kawar helnay inay jiraan caruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen carruurtaas waxaa ay isku dayeen inay ka soo baxsadaan Al Shabaab balse markii ay kawar heleen ogaanka carruurta lugaha ayey silsilado uga xireen si-yasan u baxsan, dhankeena waan kawar helnay arrinkaas waana u gurmay waana soo furanay carruurtii balse hadda waxaan latacaaleynaa sidii silsilada carruurta looga furi lahaa labo labo ayey isugu xiraan” sidaas waxaa sheegay Maxamuud Cali Afrax oo kamid ah Macawiisleyda dagaalka kula jira Al Shabaab.

Maleeshiyaadka Alshabaab weli kama hadlin warka la xiriira caruurta la sheegay inay afduubeen oo kooxda macawislaydu ay ka soo furteen.

HORSEEDMEDIA