golis

Boeing Oo $100m Siinaysa Ehelada Dadkii Ku Dhintay Diyaaradihii 737 Max

Ehelada dadkii ku dhintay diyaaradihii 737 Max ee ay lahaayeen shirkadaha Diyaaradaha ee ethiopian Airline iyo Indonesian Lion Air ayaa magdhow ahaan uga heli doona shirkada Boeing lacag dhan 100 Milyan oo dollar.

346 Qof ayaa ku dhintay diyaaradii Ethiopian Airline oo dhacday 5 Bilood ka hor iyo diyaradii ay lahady shirakada indonesia Lion Air oo dhacday sanadkii hore.

Lacagtan oo shirkadu ku bixin doonto muddo sanado ah ayaa qoysaska dadkii dhintay lagaga caawin doontaa waxbarashada, kharashaadka maalin laha iyo barnaamijyo arrimaha bulshada.

Ehelada dadkii ku dhintay shilka labada diyaaradood ayaa dacwo ka gudbiyay shirkadda Boeing, taasi oo markii dambe keentay inay ogolaadaan inay magdhow lacageed bixiyaan.

Diyaarada 737 MAX oo ay samayso Shirkadda Diyaaradaha ee Boeing ee Maraykanka ayaa Caalamka oo dhan laga joojiyay in ku duusho hawada, iyadoo shirkadu hadda ka shaqaynayso sidii ay u soo celin lahayd kalsoonidii Caalamku ku qabeen.

HORSEEDMEDIA