golis

Muhaajiriin Lagu laayay Duqayn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Liibiya

Ugu yaraan 40 qof oo muhaajiriin ah ayaa lagu dilay dalkaasi Liibiya ka dib markii duqayn lala beegsaday xarun ay ku xaraysnaayeen oo ku taala degaanka Tajoura ee duleedka magaaladda Tripuli

Duqaynta waxaa kaloo ku dhaawacmay ilaa 80 oo qof oo kale. Muhaajirtiinta la laayay ayaa u badnaa dad ka yimid wadamada afrika ee saxaraha ka hooseeya.

Afhayeen u hadlay kooxaha ka shaqeeya adeegyada deg deg ah Cismaan Cali ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in xarunta la duqeeyay ay ku sugnaayeen ilaa 120 qof oo Muhaajiriin, taasi oo duqayn toos ah lala eegtay.

Wuxuu intaa ku daray in tirada dhimashada ay ka badnaan karto

Ra’isul Waraaraha Xukuumadda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya Fayez al-Serra ayaa ku eedeeyay in duqayntaas uu ka dambeeyay Generaalka mayalka adag ee Khalifar Haftar, hase yeeshee waa uu beeniyay in diyaaradihiisu ay duqayntaas gaysteen

Dalka Liibiya oo ay ka taagan yihiin dagaalo sokeeye iyo kala qaybsanaan ayaa waxaa ku sugan kumaankun muhaajiriin, kuwaasoo doonaya inay ka talaabaan badda si ay ugu gudbaan Qaarada Yurub.

HORSEEDMEDIA