golis

Gollaha Wasiirada Oo DF Ku Eedaysay inay Dagaal Joogto ah ku Wadaan Somaliland.

Golaha wasiirrada Somaliland oo maanta shir ku yeeshay magaaladda Hargaysa ayaa ku eedeeyay dowaldda federaalka ee Soomaaliya inay mandaqada geeska afrika ka abuurayso amni darro iyo qalalaase.

Warsaxafadeed ka soo baxay shirka Gollaha wasiirada Somaliland ayaa sidoo waxaa baaq u direen beesha Caalamka, iyagoo sheegay in maamulka muqdisho uu marwalba ku foogan yahay dagaal joogto ah oo ay ku wadaan Somaliland, taasi oo ay sheegeen inay muujinayso cadaawada iyo colaada ay u hayaan shacabka Somaliland.

“Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana villa Muqdisho aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka. Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland waxay marwalba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd” Sidaas waxaa lagu yiri warsaxafadeed ka soo baxay gollaha Wasiirada

“Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in mamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer” ayuu la sii raaciyay

Golaha wasiiradda Somaliland waxay shacabka Somaliland ugu baaqeen inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda.

Warsaxafadeedka ka soo baxay Gollaha wasiirada ayaa waxa uu jawaab u ahaa dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta xiriirka dimblamaasiyadeed u jartay dowladda Geine ee galbeedka qaarada Afrika, taasi oo casuumad iyo soo dhaweyn u samaysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

HORSEEDMEDIA