golis

Madaxweynaha Deni oo Wareegto Ku Baabiiyay Labo Hay’adood

Madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku baabiiyay labo hay’adood oo kala Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah (PSAWEN) iyo Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka laga dhigay waax ka mid ah waaxyaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa sidan u qornayd:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-38, ee Luulyo, 03, 2019, ku baabi’iyey Hay’adda “PSAWEN” iyo wareejinta Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. 

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub

Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la baabi’iyey Hay’addii Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah (PSAWEN). 

2. Waxaa Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka laga dhigay waax ka mid ah waaxyaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland wuxuu wareegto kale oo uu soo saaray wuxuu ku asaasay labo hay’adood oo kala ah Wakaaladaha Biyaha iyo Konrontada ee Puntland.

Hay’adda PSAWEN oo ay hoos imaan jireen biyaha iyo korontada ayaa waxaa la asaasay dhamaadkii 90kii, xiligii xukuumadii alle ha u naxariistee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Hay’adan waxaa asaase iyo madax ka ahaa alle ha u naxariistee Eng Abshir Muuse.

HORSEEDMEDIA