golis

Madaxweyne Deni oo Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Ka Wareejiyay Dastuurka

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu awoodii kala noqday wasiiru dowlihii madaxtooyada ee arrimaha Dastuurka, waxaana lagu wareejiyay Wasaaradda Cadaalada oo laga bedelay magacii

xilka Wasiiru dowlaha Dastuurka ayaa waxaa hayay Saalax Xabiib Jaamac oo hore u ahaan jiray wasiirkii cadaaladda iyo arrimaha dibinta ee xukuumadda Cabdiweli Gaas.

Madaxweynaha ayaa magaca wasaaradda u Bedelay Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Lama oga wasiir Xabiib meesha uu ku dambayn doono madaama arrimihii dastuurka laga wareejiyay oo uu haatan yahay wasiiru dowle aan xil ku magacownayn.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-37, ee Luulyo, 03, 2019, magaca kaga bedelay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland 

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February, 03, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub

Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta loo bedelay magac cusub oo ah Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

HORSEEDMEDIA