golis

Kheyre :Qabyaaladdii ayaa noqotay aas aaska nolosha, waana xumaan ka daran musuq maasuqa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo maanta Salaadii Jimacaha kaddib Khudbad ka jeediyey Masjid ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa kaga hadlay Dhibaatada Ummadda iyo Jiritaanka Qaranka ay ku leedahay Qabyaaladdu.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Qabyaaladdu ay bulshada u waddo dariiq qalad ah, loona baahanyahay in culimada ay ka digaan dhibaatada ay qablaayaddu leedahay.

“Qabyaaladdii ayaa noqotay aas aaska nolosha, waana xumaan ka daran musuq maasuqa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadalkiisa ku daray “Dowladnimada ku fara adeega, qolo, qolo, qabiil iyo koox yar meel waa lagu gaari waayay, inta idin dhiman shacab, dhallinyaro iyo waayeel, ganacsato iyo culimo, kuligiin israaca haddiii aad Dhuusamareeb tihiin, soo dhaweeya Insha Allah dowladnimada”.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa uu sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka khawaarijta looga xoreynayo goobaha ay kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wuxuu ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamay kooxda Al-shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo sidii dalka oo idil looga ciribtiri lahaa.

HORSEEDMEDIA