golis

Wasiirko ka tirsan Puntland oo booqday Xarumo dawladeed iyo dhismayaasha wadooyinka ka socda Qardho.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Dimuqraadiyada iyo Federaalka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland Axmed Yusuf Taaran oo ay Weheliyaan Agaasimaha Guud Ee Wasaarada, Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Karkaar, Ku xigeenkiisa, Duqa Degamada Qardho iyo Maamulkii hore ee Gobolka ayaa booqday xarunta Ciidamada Daraawiishta oo dhawaan Dayactir lagu sameyay iyo Wadooyin Dawlada hoose ee Qardho ay dhisayso.

Masuuliyiintaa ayaa u kuurgalay Qaybaha ay ka koobantahay Xeradu iyagoo indha-indheeyay xarunaha xafiisyada, qaybaha ay ciidanku deegaan iyo meelaha kale ee dayactirka lagu sameeyay.

Cabdi Saciid Cismaan duqa Qardho ayaa sidoo kale waftigaan geeyay Wadooyin ay dawlada Hoose ee Qardho Dhisayso kuwaas oo hadda shaqadoodu meel fiican ay marayso. Gudoomiyuhu waxa uu u sharaxay waqtiga la rajaynayo in ay dhamaadaan wadooyinka iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee Magaalada Qardho ka socda.