golis

Axmed Madoobe oo kismaayo Ka Furay Bandhiga Buugaagta

Magaaladda Kismaayo waxaa maanta si rasmi uga bilowday bandhiga buugaagta Soomaaaliyeed iyo kuwo caalamiga ah

Bandhigan oo sanadkiiba mar la qabto waxaa furay Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana ka qaybgalaya Qorayaal iyo aqoonyhano iskaga kala yimid guud ahaan degaanada Soomaalida iyo Caalamka

“Waxaa u mahadcelinayaa madasha Maan-kulan oo sanadkii Saddexaad hirgalisay in ay qabato bandhig carweedka Kismaayo. Waxaan ku boorinayaa qoraayaasha iyo qalinleyda Soomaalida aa dhiira galino luuqada Af-Soomlaaiga” sidaas waxaa yiri Madaxweyne Axmed Madoobe

Bandhigan oo ah kii saddexaad waxaa lagu soo bandhigay boqolaal buugaag oo ku qoran luuqada Soomaaliga, Carabiga iyo Englishka, sidoo kale bahda qalin layda ayaa khudbado ay ku sharaxayaan buugaagtooda ka jeedinaya bandhiga.

HORSEEDMEDIA