golis

DF oo Sheegtay in Gobolka Hiiraan lagu Dilay Horjoogayaal Alshabaab ah

Warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Halgan iyo Buullo-burde ee Gobolka Hiiraan ay ku dhinteen Dagaalyahano Alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay isku dayeen in ay xoollo ka qaadaan dadka xoollo dhaqatada ah ee ku nool Gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay ka biya diideen in ay bixiyaan lacago iyo xoollo Sakawaadka ee alshabaabku qaadaan.

Qaar ka mid dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay dileen 5 ka tirsan horjoogayaasha iyo maleeshiyada Alshabaab, kadib dagaal xooggan oo dhex maray argagixisada iyo dadka deegaanka.

Degaano ka tirsan Goboladda Hiiraan, Shabeelaha hoose iyo dhexe ee koonfurta Soomaaliya waxaa ka howlgala maleeshiyaadka alshabaab, iyadoo mararka qaarkood uu dagaal dhexmaro dadka degaanka iyo alshabaab.

HORSEEDMEDIA