golis

Hay’adaha UNHCR iyo NRC oo iska kaashanaya dhismaha dhul ay degayaan barakacaasha Boosaaso

Magaalada Boosaaso  waxaa lagu qabtay xaflad lagu daah furay  mashruuca xalka waara iyo wareejinta dhulka xalka waara oo ay maal gelinayso hay’ada UNHCR ayna fulinayso hay’ada NRC

Mashruucaan  waxaa  ka faa’iidaysanaya afar ka mid ah kaamamka barakacayaasha magaalada Boosaaso.

Xaflada daahfurka mashruucaan waxaa ka qayb galay masuuliyiin ay kamid yihiin maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso, Taliska qaybta booliiska gobolka Bari, gudoomiyaha maxkamada gobolka Bari , wasiiry dowlaha wasaaraada arimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyaynta dowlada puntland, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha UNHCR iyo NRC iyo weliba  barakacaay ka socday afarta Kaam ee iyagu ka faa’iidaysanaya. 

Dhulka oo cabirkiisu yahay 500*400 kuna yaal dhanka Bari ee magaaalada Boosaaso  waxaa barakacayaasha ku deeqay Dr. Cabdiraxman Cabdullaahi Cali oo ah nin dhalinyaro ah isla markaasna waxba kaga bedelan dadka masaakiinta ah.

Masuuliyiin katirsan hay’ada NRC oo iyadu ka ah fuliye mashruucaan ayaa sheegtay in dhulkaan uu ka koobnaan doono guryo ay degaan dadka barakacayaasha ah , goobo wax lagu baro dadka degan dhulka , ceel riig ah iyo weliba saldhiga booliska.

Masuuliyiinta ka qayb gashay ayaa dadka barakacayaasha ah kula dardaarmay in ay ilaaliyaan nadaafada deegaanka isla markaasna ay ilaashadaan deegaan maadaama ay iyagu hadda wixii ka danbaya ay mulkiyadiisa ay iyagu leeyihiin.

HORSEEDMEDIA