golis

Muuse Biixi oo Eedayn U Soo Jeediyay dowladda Talyaaniga

Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi Cabdi oo maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Hargaysa ka dib markii uu booqasho ku tegay Wadanka Gini ayaa eedayn u soo jeediyay dowladda Talyaaniga.

Wuxuu ku eedeeyay in Xukuumadda Federaaliga ee Muqdisho ay gacan ku siiyeen cadaadis la saaray Dowladda Gini ee galbeedka Afrika oo uu marti u ahaa

” dowladii aan u tagnay si weyn bay noo soo dhawaysay, weerarkan xamar baa yimid, culays badan bay meelo badan yimid oo talyaanigu ugu horreeyo oo ahaa hormuud cadaadiska ugu weyn oo u adeegayay qolooyinka muqdisho” ayuu yiri Muuse Biixi

Wuxuu intaa ku daray in Dowlada Gini ay qadiyada Somaliland geesatay midowga Afrika iyadoo iska indho tirtay cadaadista uga imaanayay Talyaaniga

“waxayna guddoonsantay inay qadiyadeena keento Midowga Afrika, madaxweyne Alphana waa ku bilaabay, l, hiilna waa ku haystaa afrikada galbeed” ayuu yiri Muuse Biixi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore xiriirka u jartay dowladda Gini, iyadoo ku eedaysay inay qaaday tallaabo waxa u dhimaya midnimada iyo dib u heshiisiinta Somaliya.

HORSEEDMEDIA