golis

Puntland oo u digtay Dawlada Federaalka Soomaaliya

Warsaxafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiiraka Wasaarada Arimaha Gudaha, Dimuqraadiyada iyo Federaalka Puntland ayaa looga digay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya in ay faragelin ku samayso doorashooyinka ka dhacaya Galmudug iyo Jubaland.

Puntland waxay ku baaqday in Dawlada dhexe ay ixtiraamto dastuurka u yaala Dalka iyo kan maamul goboleedyda.

Ugu danbay Puntland waxay Dawlada dhexe ee Soomaaliya ku boorisay in la dhawro laguna dhaqmo Dastuurka lagana fogaado wixii keeni kara Colaad iyo Kala fogaansho.