golis

Baarlamanka Puntland oo canshuur adag kusoo rogay Badeecada Somaliland ka timaada.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Baarlamaanka Puntland oo qayb ka ahaa kal-fadhigooda ayay guud ahaan ku mamnuuceen in Puntland la keeno Konteenarada kasoo dega Dekedda Magaalada Berbera, Ujeedada Mamnuucida ayay ku saleeyeen in ay curyaaminayo dekeda Magaalada Boosaaso.

Baarlamaanka sidoo kale waxay canshuur adag kusoo rogeeen badeecada caadiga ah ee ka yimaada Somaliland iyagoo ka dhigay 100kiiba 500% sida uu sheegay Xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf oo ka tirsan Baarlamanka Puntland.