golis

Dagaal Beeleedyo dhex maray beelo wada dega Somaliland.

Deegaanka Dardarwayne ee Somaliland waxaa ka socda Dagaal Beeleed culus oo u dhaxeeya beelo halkaas wada dega, Ciidamada Kornel Caare hogaamiyo oo garab ka helay kuwa deegaanka kasoo jeeda iyo Ciidamo Beeleed kale ayuu dhexmarayaa Dagaalku.

Waxaa jirta Khasaare inkastoo weli si faahfaahsan warar looga helin. Caare oo mudo fadhigiisu Qardho ahaa ayaa halkaas ku sugan isaga iyo ciidamo uu hogaaminayo.

Weriye ku sugan Ceeri-gaabo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Somaliland ay ku baxeen halkaas si ay colaadaas usoo damiyaan.

Bilawga dagaalkaan ayaa dhacay ka dib markii ciidamo beeleed ay dil u gaystaan dhawr qof oo ka mid ah beel uu khilaaf hore u kala dhaxeeyay.

Dagaal beeleedyadaan oo mudo jiitamayay ayaan weli xal-waara laga gaarin.