golis

Deni Oo Magacaabay Hanti-dhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Maaliyadda

Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Wareegto uu soo saaray wuxuu xilkii ka qaaday hanti-dhowrka Guud, ggaasimayaasha Bangiga iyo wasaaradda maaliyadda iyo xisaabiyihii guud

Madaxweynuhu wuxuu magacaabay 7 xil oo kala:

  1. Cabdirisaaq Cumar Faarax waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland
  2. Maxamed Faarax Maxamuud waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland
  3. Cabdirisaaq Maxamed Xasan waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka
  4. Faysal Cabdullaahi Warsame waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
  5. Cumar Saalax Aadan waxaa loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland
  6. Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda
  7. Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda

Magacaabistan ayaa imaanaysa iyadoo maalintii shalay ay Barlamaanku diideen inay ansixiyeen xisaabxirka Miisaaniyadii dowladda ee 2018ka.

HORSEEDMEDIA