golis

Ku xigeenkii Duqa Qardho oo xil cusub loo magacaabay.

Cabdirisaaq Cumar Faarax Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Qardho ayaa loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Hanti-dhawrka guud ee Puntland sida lagu shaaciyay wareegto saqdii dhexe ee xalay ka soo baxday Madaxtooyada Puntland.

Cabdirisaaq waxa uu ka mid ahaa dadkii dhalinyarada ahaa ee Gudaha Dalka wax ku bartay, sidoo kalena ka shaqeeyay, waxa uu horay usoo noqday bare wax ak dhiga jaamacada ku yaala gudaha dalka.