golis

Maamulka Gobolka Karkaar oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye, ku xigeenkiisa Cabdicasiis Yuusuf Caamir iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Korner Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxda dhaqanka ee Gobolka Karkaar.


Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen xaalada Gobolka, waxaa si gaar ah looga hadlay sidii maamulka ay uga taageeri lahaayeen ka shaqaynta Amaanka, dib-u-heshiisiinta iyo Horumarka.