golis

Iskuul ka baxsan laamiga oo kaalinta 1aad ka galay Iskuulada Puntland.

Natiijada kasoo baxday Imtixaanaadka ee sanadka waxaa xiiso gaar ah u yeelay in dugsiga Buraan uu kaalinta koowaad ka galay qiimaynta iskuulada Puntland, Buraan ayaa ah deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag kana mid ah meelaha ka fog xaga Laamiga.

Qiimaynta Iskuulada inta badan waxaa geli jiray dugsiyada waaweyn ee ku yaal magaalooyinka dhaca Laamiga, Natiijada ayaana muujinaysa dadaalka ay sameeyeen maamulka iyo macalimiinta dugsiga Buraan.