golis

Khadar Said ayaa kaalinta 1aad ka galay imtixaanadkii Puntland.

Khadar Said salah ayaa noqday ardaygu ugu sareeya Imtixaanaadkii dugsiga sare ee Puntland ay qaaday, Ardaygaan ayaa dhiganayay dugsiga sare ee Boosaaso Public Secondary School.

Sida ku cad warqada ay soo saartay Wasaarada Waxbarashada Puntland boqolkiiba 98% ayuu ku qaaaday kaalinta isagoo Dhibco yar kaga guuleystay Asia Abdirisaaq Hersi oo wax ka barata degmada Galdogob.