golis

Urur Dhalinyaro oo Dawlada Hoose Qardho talo soo jeedin la wadaagay.

Ururka midowga dhalinyarada iyl dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada (YUSA) ayaa maamulka Degmada Qardhoa wadaagay barnaamij talo soo jeedin ah oo lagula talinayo maamulka dowladda hoose ee Qardho. Waxyaabaha Diiradda lagu saaray barnaamijkaan waxaa ka mid ahaa Arimaha Nadaafada, Amaanka, Saxmadaha suuqa, Arimaha dhulka iyo deegamaynta.

Saleebaan Bashiir Ciise oo ku hadlayay Magaca Dhalinyaradaan waxa uu sheegay in ujeeda Barnaamijkaan uu yahay in Dawlada si cilmiyaysan loola wadaago dhaliilaha jira, isla markaana ay diirada saarayaan sidii ay Dawlada ula shaqyan lahaayeen.

Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan Dhankiisa waxa uu ku bogaadiyay Dhalinyaradaan dadaalka ay wadaan ee la xiriira sidii ay wax ugu biiri lahaayeen Shaqada Dawlada Hoose, Dhamaan wuxuu ka jawaabay su’aalihii ay waydiiyeen dhalinyaradu. Wuxuu tilmaamey in Dawlada ay wax muuqda qabatay, waxna ay wado kuwana in ay bilaabaan dhawaan rajaynayaaan.

Qaar ka mida dhalinyarada Magaalada ayaa iyaguna qayb ka ahaa Barnaamijkaan waxay tilmaameen in YUSA wado fiican Bilawday.