golis

Madaxweyne Farmaajo ” Waa in degdeg loo joojiya Colaada Ceel-Afwayn”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo colaadda degaanka Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in uu ka tiiraanyeysan yahay colaadda Ceel-afwayn ayaa yidhi: “Dirirtan aan ku saleysnayn qiimaha ee dhex maraysa dadka walaalaha ah waa in degdeg loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiigoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”