golis

UK Oo Iiraan ku Eedaysay Iskuday Qafaalasho Markab Saliid Qaada

Markab dagaal oo ay leeyihii ciidamada badda ee UK ayaa ka hortegay in Markabka kuwa saliida qaada uu gacanta u galo ciidamada Iiraan gacanta khaliijka, sida uu sheegtay wasaarada gaashaandhiga Britian

Markabka dagaalka oo lagu magacaabo HMS Montrose ayaa kala dhexgalay saddex doonyood oo la aamisan yahay inay leeyihii ciidamada Jahuuriga ee Iiraan iyo Markabka Sadiida Qaada ku khasbay saddex doonyood oo Iiraaniyaan inay

Afhayeen u hadlay dowladda Britian ayaa ku tilmaamay tallaabada Iiraan mid ka hor imaanaysa shuruucda caalamka. Dowladda Iiraan ayaa beenisay in ciidamadeedu isku dayeen inay qabsadaan Markabka Saliid ee Britian.

Dowladda Iiraan waxa ay toddobaadkan sheegtay inay ka jawaabi doonto mid ka mid ah maraakiibteeda Saliida qaada oo ay ciidamada UK qabsadeen toddobaadkii hore

Gacanka Khaliijka iyo marin biyoodka Horumus ayaa waxaa ka taagan xaalad cabsi ah ka dib markii la weeraray Maraakiib kuwa shidaalka qaada ah. weeraradaasi ayaa lagu eedeeyay dowladda Iiran.

HORSEEEDMEDIA