golis

Brazil: Madaxweyne Bolsonaro oo Wiilkiisa U Magacaabaya Safiir

Madaxweynaha midigta fog ee dalka Brasiil Jair Bolsonaro ayaa wiilkiisa ka dhigaya safiirka dalkiisa u matali doona Dalka Maraykanka.

Wiilkan oo lagu magacaabo Eduardo Bolsonaro waa 35 jir ka tirsan barlamaanka dalkaasi iyo sidoo kale siyaasadda arrimaha dibada ayuu kala taliyaa Aabihiis.

Haddii uu aqbalo jagadaasi, wuxuu iska casilo doonaa xubinimada barlamaanka Barasiil. Xilka safiirka ayaa banaanaa tan iyo bishii April ee sanadkan

Madaxweynaha Brasiil oo sanadkii hore la doortay ayaa sheegay inuu jecel yahay oo ku daydo siyaasadda madaxweynaha Marayknaka Donald Trump.

HORSEEDMEDIA